Posts

Image
Saldanadii Cadal Saldanada Cadal  ( Af-Carabi :  عدل ;  Af-Ingiriis : Adal; micno ahaan "Cadaalad") (sidoo kale loo yaqaanay  Boqortooyada Adal ) waxay aheyd  boqortooyo  xukumi jirtay deegaano badan oo ka tirsan  Gobolka Awdal  ee waqooyiga  Somaliland , meelo ka mid ah dhulka  Itoobiya  iyo  Jabuuti  ilaa  Eratareya . Boqortooyada Cadal waxey ka mid ahayd boqortooyada ugu  taariikhda dheeraa uguna awooda weynaa gayiga iyo deegaanada ay dagaan dadka  Soomaalida  iyo agagaarkooda. In kastoo boqortooyadu ka bilaabantey magaalada taariikhiga ah ee xuddunta u ahayd ee  Saylac  waxay saldhigyo waaweyn ku lahayd magaalada  Harare iyo nawaaxigeeda. Magaalada  Saylac ayay ka bilaabantey boqortooyadu ka dib ku fidey deegaanka geeska  Afrika . Sanadihii 1415 ilaa 1577 ayay boqortooyada Cadal ugu awood badneyd goortaas ooy maamuleysay in ka badan shan kun oo kilomitir isku wareeg ah.